• Ergooyin ka socda Somalia iyo Somaliland ayaa wadahadal uga furmay Britain. Waxaa la geeyay meel ka baxsan London oo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Britain u ah hooy uu ku nasto kuna munaaqashoodo. Inkasta oo laga fogeeyay isha saxaafadda, Yusuf-Garaad oo la hadlay ergooyinka qaarkood ayaa warbixintan ka diyaariyay.

    Wadahadalkan Wuxuu ka dhacayaa Chevering House oo ku yaal Kent oo u dhow London.

    Wuxuu daba joogaa shirkii London loogu qabtay Soomaalida oo ay ku jirto Somaliland bishii Fberuary.

    Waa kii ugu horreeyay ee ay Somalia iyo Somaliland si rasmi ah isu soo hor fariistaan tan iyo markii ay Somaliland iskeed ugu dhawaaqday in ay gooni isu taagtay oo ay tahay dal madax bannaan.

    Waxaa martigeliyay garwadeenna ka ah dowladdan Britain, waxaana goobjoog ka ah diplomaasiyiin ka socda Midowga Yurub iyo dhinacyo kale.

The topic ‘suhaib dirie’ is closed to new replies.